897 Views

Kiisas hor leh oo Coronavirus ah oo laga helay Magaalada Cadaado

Kiisas hor leh oo Coronavirus ah oo laga helay Magaalada Cadaado
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 09  2020–Wararka laga helayo Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta laga helay kiisas Cusub oo Cudurka Coronavirus ah.

Maamulka Isbitaalka Guud ee Degmada Cadaado ayaa Warbaahinta xaqiijiyay in labo ruux laga helay Caabuqa Corona,kuwaas oo kamid ahaa Sagaal Ruux oo lagu soo baaray Sheybaar ku yaalla Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Maamulka Puntland.

Sidoo kale Maamulka waxaa ay sheegeen in Labada ruux ay ka tirsanaayeen Shaqaalaha Isbitaalka guud ee Degmada,isla markaana baaritaano lagu sameeyay laga helay Cudurka.

Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa horay looga diiwaan geliyay kiisas la xiriira coronavirus,waxaana Saraakiisha Caafimaadka ay walaac ka muujiyeen in wax gurmad Caafimaad ah ka helin dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post