753 Views

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan wacyi gelinta xaalufinta dhirta oo lagu qabatay Jowhar

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan wacyi gelinta xaalufinta dhirta oo lagu qabatay Jowhar
____________________________________________________________________________


Sabti: November 27, 2021

Wasaaradda Deegaanka Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miiyga Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Jowhar ku qabatay aqoon isweydaarsi ku saabsan wacyi gelinta xaalufinta deegaanka iyo baabi’inta hab nololeedka ka dhasha shidasha dhuxusha iyo ka ganacsigeeda

Kulankan aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku nool jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle,kuwaas oo ka faa’iideystay Aqoon Isweedaarsigan.

Madashan oo ay goobjoog ka ahaayeen madax ka  tirsan dowlad goboleedka hirshabeelle ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay Xildhibaan Yuusuf Cabuqaadir Karaani iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare dowlad goboleedka hirshabeelle Mudane  Abuukar Xasan Abuukar waxay ka hadleen muhiimadda ay dhirta u leedahay bulshada.

Wasiirka  Wasaaradda Deegaanka Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miiyga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Aadan Barre Maxamed Muuse oo daahfuray Aqoon Isweydaarsigaan ayaa bulshada hirshabelle ugu baaqay inay ka waantoobaan jarista dhirta iyo xaalufineeda si aysan u dhicin musiibooyinka dabiicga ah.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post