438 Views

Booliiska Israel oo Falastiiniyiin ku dilay Daanta galbeed

Booliiska Israel oo Falastiiniyiin ku dilay Daanta galbeed
____________________________________________________________________________


Axad: May 1, 2022

Ciidamada Israa’iil ayaa la sheegay iney nin Falastiini ah ku dileen howlgal ay ka fuliyeen Daanta Galbeed ee la haysto.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin waxay sheegtay in Yaxia Ali Cadwan oo 27 jir ahaa la toogtay kadib iska horimaad ka dhacay tuulada Azzun, oo u dhow Qalqilya.

Ciidamada Israa’iil waxay sheegeen iney ciidamadoodu ay rasaas ku fureen dad Falastiiniyiin ah kadib markii ay tuureen bamba gacmeed. Israa’iil ayaa sii wadda baadigoobka laba nin oo hubaysan oo Jimcihii daanta galbeed ku dilay mid ka mid ah ilaalada Israa’iil.

Dhowr qof ayaa xabsiga loo taxaabay, iyaga oo hubna lagu soo qabtay.

Guutada lagu magacaabo Shuhadada ee Al-Aqsa, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarki Jimcihii askariga lagu dilay iyagoo sheegay in weerarkan uu jawaab u yahay rabshadihii toddobaadyadi u dabmeeyey ka dhacay masaajidka Al-aqsa ee magaalada Qudus.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post