855 Views

Wakiilada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo ku baaqay Dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Wakiilada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo ku baaqay Dagaal ka dhan ah Alshabaab.
____________________________________________________________________________

.

Wakiilada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ku baaqay in lasii wado howlgalka ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya oo ay wadaan Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wakiil James Swan oo la hadlaayay Wargeyska Daily Xayaat ee kasoo baxa dalka Turkiga ayaa waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay halis ku yihiin horumarka Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in lasii wado howlgalka ka dhanka ah, waa sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay weeraro iyo falal kale ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, ayna weli awoodan inay sameeyaan weeraro abaabulan iyo kuwo loo adeegsado qaraxyo, taasina ay muujineyso inay weli leeyihiin awood Milateri.

“Waa mid waajib ay tahay in aan xuso in khatarta Al-Shabaab aysan kaliya ahay mid Milateri, Balse waa guud ahaan shaqada laga qabanayo Soomaaliya ee dhismaha hay’addaha dowladda, in dowladda ay wax ku ool noqoto, in ay u adeegto dadweynaha, in ay u cadaalad fasho iyo in ay sarre u qaado horumarka dalka” ayuu yiri James Swan.

Si kastaba Wakiilada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ku soo aadaya, iyadoo xiligaan dalka uu aaday Doorashooyinka Baarlamaanka iyo tan Madaxtinimada dalka Soomaaliya oo la filayo inay dhacaan dhammaadka 2020/2021.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post