645 Views

Deni oo shaaciyay waxa uu salka ku haayo khilaafka dowladda & Puntland

Deni oo shaaciyay waxa uu salka ku haayo khilaafka dowladda & Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 2da Maarso, 2021:-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntlan d Saciid Cabdullaahi deni ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha soo cel celiya khilaafka soo laab laabtay ee ka dhaxeeya dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Madaxweyne Deni waxaa uu sheegay uusan jirin khilaaf rasmi ah oo u dhaxeeya dowladda & Maamulka Puntland, hayeeshee ay diidan yihiin nidaamka siyaasiga ah ee uu dalka ku maamulayay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Deni oo la hadlay Tv-ga Universal waxaa uu sheegay in  Puntland ay wda-shaqyen la leedahaya hay’adaha kale ee dowladda, balse kaliya Puntland ay iidan tahay barnamijka siyaasiga ah ee Maxamed Cabdullahi farmaao uu ku hagayay dalka.

“ Waa muhiim in la fahmo oo si sax ah loo sharaxo waxa Puntladn iyo dowladda Federaalka isku haayaan, laakin waxaan idiin cadeynayaa in uusan jirin khilaf weyn balse ay kasoo horjeedaan siyaasadda Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo ayuu yiri” Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu diidan yahay nidaamka federaalka ah, sidoo kalena dowladda uu hoggaaminayay ay sharc darro ku meel marisay shuruucyo.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post