1053 Views

Qoraa Maxamed Xaaji Ingiriis oo ku baaqay in dowladda ay ciidammo u dirto Itoobiya si loola dagaallamo Tigreega.

Qoraa Maxamed Xaaji Ingiriis  oo  ku baaqay in dowladda ay ciidammo u dirto Itoobiya si loola dagaallamo Tigreega.
____________________________________________________________________________

.

Isniin: july 19, 2021

Maxamed Xaaji Ingiriis oo wax ka qora taariikhda Soomaaliya ayaa ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay ciidammo u dirto Itoobiya si loola dagaallamo xoogagga Tigreega.

Ingriis oo ka qabgalay dood, ayaa sheegay inay bannaan tahay in wax kasta la sameeyo si looga hortago soo noqoshada TPLF. Wuxuu taageero u muujiyay baaqa ka soo yeeray qowmiyadda Amxaarada oo doonaysa in qowmiyadaha kale ee Itoobiya u midoobaan la dagaallaanka TPLF. Tigreega ayaa dib u qabsaday degmooyin Amxaaradu xoog kula wareegtay dhowr bilood ka hor

Maxamed Xaaji Ingiriis wuxuu qabaa in Amxaarada loo gurmado si ay Tigreega iskaga dhiciyaan.

Dooddu waxay ku saabsanayd dadaalka uu Madaxweynaha Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cagjar wado si ciidanka Liyuuga loogu diro gobolka Amxaarada si ay dhiggooda ugu daadiyaan Amxaarada oo dagaal kula jirta Tigreega.

“Ma garan karo sababta Maxamed Xaaji Ingriis ugu baaqay in Soomaaliya dirto ciidaammo Gondar iyo Gojam ka dagaallama si ay Amxaarada u difaacaan” ayuu yiri Cali Aadan oo ah arday wax ka barta mid ka mid jaamacadaha Muqdisho.

Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, ayaa wada qorshe ku sallaysan sarraynsiinta Amxaarada. Wuxuu dhowr jeer xusay dagaalkii 1977kii isagoo tusaale u soo qaatay dagaal ka dhacay buurta Kaaramardha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post