1590 Views

Rag loo heystay dilal & qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo toogasho lagu fuliyay

Rag loo heystay dilal & qaraxyo ka dhacay Muqdisho oo toogasho lagu fuliyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 05,, 2019 —Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo Isniin ah waxaa ay xukun  dil toogasho ah ku fulisay laba Dhalinyaro ahaa oo lagu eedeyay inay ka tirsanayeen Al-Shabaab.

Labada Nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala Magacaabi jiray Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) 23jir ah iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo 25 jir ah, Kuwaas oo ku eedeysnaa inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab,isla markaana ay ka qeyb qaateen weeraro iyo qaarxyo laga fuliyay Magalada Muqdisho.

Si gaar ah Xubnaha la toogtay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerar lagu dilay 27/09/2017 Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Marxuumad Canab C/laahi Xaashi, kaas oo ka dhacay  isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen Rasaas lagu furay Gaari ay la socdeen Qoyska reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ah Maamulka Shirkada Dahabshiil iyo Weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee lagu qaaday 09/11/2018 Hotelka Saxafi iyo qaraxii ka dhacay 22/12/2018 Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho,sida ay horay u sheegtay xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Labada Xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa horay waxaa Maxkamada Ciidamada ay ku xukuntay dil toogasho, hayeeshee ay racfaan ka qaateen balse markale ay xukun dil ah ku riday Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka sida saakayna lagu fuliyay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment