1617 Views

Booliiska Soomaaliya oo sheegay inay garoonka diyaaradaha ku qabteen lacag dollar ah oo waddanka la soo gelinayey.

Booliiska Soomaaliya oo  sheegay inay garoonka diyaaradaha ku qabteen lacag dollar ah oo waddanka la soo gelinayey.
____________________________________________________________________________

April 19-2021

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay inay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku qabteen lacag dollar ah oo waddanka la soo gelinayey.

Booliisku waxay sheegeen in la doonayey lacagtaas si sharci-darro ah lagu soo geliyo waddanka. Booliiska faahfaahin kama bixin cadadka lacagta, hase yeeshee waxay sheegeen inay ka badan tahay lacagta qofka loo oggol yahay inuu shaqsiyan waddanka lasoo geli karo.

Af-hayeenkka Booliiska Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali ayaa u sheegay VOA Somali in qofka lacagta watay uu la socday diyaarad ka timid Kenya.

Sidoo kale Booliiska ayaa sheegay inay wadaan baadhitaan, waxayna diideen inay sheegaan magaca qofka watay lacagtaas.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post