2190 Views

Dowlada Kenya Oo Ciidamo Farabadan u Daabuleysa Xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto

Dowlada Kenya Oo Ciidamo Farabadan  u Daabuleysa Xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 28  2018  –Wasaaradda Amniga dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday in Ciidamo cusub oo dheeraad ah dhowaan la geynayo xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya, kadib weeraro laga cabsi qabo Shabaab in ay geystaan.

Wasiirka Amniga Kenya oo booqday Gobolka Waqoyi Bari ee dalka Kenya ayaa socdaalkiisa waxa uu la xiriiray u kuurgalida xaaladaha amniga gaar ahaan degmada Wajeer.

Wasiirka oo saraakiisha ammaanka kula hadlay Gobolka ayaa ku amray in ay gacan bir ah ku qabtaan sugidda amniga, cidii shaqada dayacdana lala tiigsan doono Maxkamad oo ay la kulmi doonto ciqaab.

“Waxaan ku soo kordhineynaa Gobolka Waqooyi Bari Ciidmo ku filan gaar ahaan dhanka wajeer, laakiin waxaan idin leeyahay amniga rasaas laguma sugi karo ee waa in shacabka ay la shaqeeyaan ciidamada.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in tababar loo soo xiray qaar ka tirsan dadka ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari, kuwaasi oo Askarnimo loo tababaray si ay ula dagaalamaan Shabaabka weerarada ka geysta Gobolka.

Bartamihii bishan weerar xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ay ku qaadeen Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxa ay ku dileen Saddex Macalimiin ah, xilligaasi wixii ka dambeeyay Macalimiinta ayaa bilaabay in ay u qaxaan Magaalada Nairobi.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment