273 Views

Talyaaniga oo ogolaaday inuu aqbalo in saddex doonyood oo tahriibeyaal ka tagay Liibiya badda ka soo badbaadiyey

Talyaaniga oo  ogolaaday inuu aqbalo in saddex doonyood oo tahriibeyaal ka tagay Liibiya badda ka soo badbaadiyey
____________________________________________________________________________

Axad: NOVEMBER 13, 2022

Talyaaniga ayaa ogolaaday inuu aqbalo in saddex doonyood oo tahriibeyaal ka tagay Liibiya badda ka soo badbaadiyey ay ku soo xidhaan dekadada dalkiisa.

Sidoo kale waxay Talyaanigu sheegeen in Faransiiskuna ogolaaday inuu soo dhaweeyo dooni kale oo la yiraahdo The Ocean Viking.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini ayaa arintaas isaga oo ku farahsan soo oo dhaweeyey ,waxaanu sheegay in haatan wax isbedeleen.

Dhanka kale, hogaamiyaha midigta fog ee Hungary Viktor Orban ayaa isna ugu mahadnaqay Ra’isal wasaaraha Talyaaniga Giorgi Melone ilaalinta xuduudaha Yurub.

Laakiin waxa jira warar tibaaxaya in Faransiiku aanu aqbalin qorshahaas, waxaana Paris looga arkaa warkaa Talyaanigu sheegay mid ujeedadiisu tahay in Faranskiiska lagu dirqiyo in uu aqbalo tahriibeyaashaas.

Wasiir ku xigeenka dalkaas ayaa sheegay in Faransiisku aqbalay oo keliya doonidaas oo qudha oo Jimcihii shalay ku xidhatay dekadda Toulon, waxaanu ku tilamaay hadalkaa Talyaaniga wax lala yaabo oo aan la qaadan Karin waxaanu uga digay cawaaqibka xun ee ka imaan kara arintaas.

Dhanka kale, siyaasiyadda mucaaradka ah ee midigta fog, Marine Le Pen ayaa ku dhaleecaysay xukuumadda Faransiiska in ay aqbasho in dooni tahriibeyaal siddaa ku soo xidhato dalka, waxaanay sheegtay in go’aankaa xukuumaddu dhabbaha u xaadhayo in tahriibeyaal kale ku soo dhiiradaan in ay soo beegsadaan dalka Faransiiska.

Ra’isal wasaaraha Talyaaniga oo shir jaraa’id qabatay habeenimadii xalay ayaa sheegtay in ay aad uga cadhootay falcelinta gardarradu ka muuqato ee Faransiiku kaga jawaabay in Talyaanigu sheegay in dalkaasi aqbalay dooni sidda tahriibayaal, waxaanay sheegtay in arintaasi tahay wax aan la qaadan Karin.

Hadalkeedaas ayaa soo baxay iyadoo maalmahan-ba ay isa soo tarayeen erayada kulul ee ay is dhaafsanayeen labadaa dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub oo muujinaya sida ay isugu seegan yihiin arinta dadka soo galootiga ah.

Meloni waxay sidoo kale sheegtay in aanay maangal ahayn in Midowga Yurub Talyaaniga ku daawado arintan, maadaama oo bay tidhi dalkeedu uu qaabilay sannadkan oo keliya sagaashan kun oo qof oo soo galooti ah, halka doonida Faransiisku ka cabanayaana ay sidday oo 234 qof oo keliya oo ah sannadkan intii ugu horraysay ee gaadhay.

Hore umay dhicin in dalal ka mid ah Midowga Yurub ay fagaareyaasha isku mariyaan hadallo dhiifle oo ay isku cambaaraynayaan mawqifyada ay ka kala taagan yihiin dadka soo galootiga ah, tanna haatan uma fiicna sida ay khubaradu sheegayaan xidhiidhka xukuumadda cusub ee Talyaaniga iyo wadamadii ay isku dhawaan jireen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post