402 Views

Dibedbaxyo looga soo horjeedo xilka qaadista Imran Khan oo ka dhacay Pakistan

Dibedbaxyo looga soo horjeedo xilka qaadista Imran Khan oo ka dhacay Pakistan
____________________________________________________________________________

Isniin:April 11, 2022

Dibedbaxyo looga soo horjeedo xilka qaadista ra’iisal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa ka dhacay dalkaas.

Imran oo waayay kalsoonida baarlamaanka ayaa waxaa la filayaa in lagu bedalo Shehbaz Sharif oo ay walaalo yihiin ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaas, Nawaz Sharif.

Si kastaba ha ahaatee, Imran Khan, oo taageerayaashiisa ay dibad-baxyo ka dhigeen guud ahaan magaalooyinka waaweyn ka dib markii xilka laga qaaday, ayaa weli ku andocoonaya in xilka qaadistiisa ay ahayd “shirqool shisheeye” .

Waxa uu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in dadka dibad baxyada dhigayay ay ahaayeen dadkii ugu badnaa ee taariikhda Pakistan ee u soo baxa qof masuul ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post