954 Views

Warbaahinta Madaxabanaan oo loo diiday tabinta Wararka Golaha Shacabka

Warbaahinta Madaxabanaan oo loo diiday tabinta Wararka Golaha Shacabka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-19–2019 —Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ku wargaliyay Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Muqdisho in aan loo ogolaan doonin in ay warar kasoo tabiyaan xarunta Golaha Shacabka.

 

Qaar ka mid ah Wariyeyaaha Muqdisho ayaa sheegay in Guddoonka baarlamaanka ay sheegeen in aan la ogoleyn Warbaahinta Madaxa banaan in ay soo gudbiyaan wararka ku saabsan Golaha Shacabka.

 

 

Golaha Shacabka ayaa hadda ku shaqo bilaabay xarunta Villa Hargeysa oo ku taalla Gudaha Madaxtooyadda Qaranka, waana sababta loogu diiday wariyeyaasha.

 

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa horay u diiday in warbaahinta Madaxa banaan ay soo tabiyaan Wararka Madaxtooyada, taas badalkeeda waxay u dirtaa Warbaahinta Muuqaallo inta Madaxtooyada aysan rabin laga jaray.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment