963 Views

SAWIRO:-Wafdi gurmad sida oo u ambabaxay Shabeellaha Dhexe

SAWIRO:-Wafdi gurmad sida oo u ambabaxay Shabeellaha Dhexe
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 14, 2019–Wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha  Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa Maanta waxaa ay u ambabaxeen deegaano katirsan gobolka Shabelelaha Dhexe.

 

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay gurmad gargaara ah u wadaan dadka ka barakacay fatahaadaha Wabiga ee Magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay ee Gobolkaasi Shabeellaha Dhexe.

 

 

Wafdiga waxaa qayb ka ah masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Himilo Qaran, UPD, Horusocod Qaran iyo Kulan,waxaana ay horay gargaar kala duwan u gaarsiiyeen Magaalooyinka Baladweyne iyo Bardaale.

 

Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo kamid ah meelaha fatahaada Wabiga uu saameeyey ayaa waxaa shalay gurmadkii ugu horeeyey gaarsiiyey Idaacadda Risaala ee Magaalada muqdisho,kaas oo ay kasoo aruurisay dhageystayaasheeda iyo daawadayaasheeda.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment