1581 Views

Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay in uu xilka iyo amaanada u soo celiyo

Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay in uu xilka iyo amaanada u soo celiyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso  28, 2019 –Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku dhaliilay dowladda Soomaaliya in ay ku guuldareysatay wax ka qabashadda Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in maalmihii lasoo dhaafay Qaraxyo joogto ah ay ka dhacaayeen Magaalada Muqdisho, islamarkaana dowladda Soomaaliya aysan wadin dadaallo lagu badbaadinaayo Shacabka Soomaaliyeed.

“Allaha u naxariisto dhowr iyo tobankii qof ee qaraxii maanta lagu dilay, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Laga soo bilaabo Sabtigii inna dhaafay ilaa iyo maanta 13 Qarax ayaa dhacay. Qaraxyadu iyo weerarada kama dhacaan Jidka Warshadaha, Sodonka iyo Wadnaha. Waxay ka dhacaan xarumaha dawlada iyo wadada Makka Al Mukaramah oo ay dawladu gacanta ku hayso, iyadoo ay meel waliba xiran tahay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Hadii Hay’adii Nabadsugida aysan bilo badan taliye lahayn, ninka xilka ku magacaabana uusan khibrad u lahayn hawlaha amniga ee nin jeclaysi loogu dhiibay, uuna loolan iyo xasarad kicin siyaasadeed ku hawlan yahay. Hadii taliyahii Booliska uu magac yahay lagana awood badnaysiiyey nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu taliye ka yahay booliska Gobolka Banadir, kaasoo weligiis Boolis noqon, kuna hawlan dil qorshaysan iyo duulaan siyaasi” ayuu yiri Markale Hoggaamiyaha xisbiga wadajir.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu Mas’uuliyad muujiyo”Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu masuuliyadiisa qaato, xaqiiqada iyo waaqaca horyaala uu run iyo go’aan geesinimo leh ku wajaho. Is moogaysiis, dafiraada, kooxaysi iyo nin jeclaysiga meel iska dhigo. Hadii kale intii aad cadawga u hoosaasin lahayd, ummada xilka iyo amaanada u soo celi”

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment