1077 Views

Baaritaano lagu bilaabay Madaxweynaha Mareykanka

Baaritaano lagu bilaabay Madaxweynaha Mareykanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 25-2019 —Afhayeenka Congresska Maraykanka Nancy Pilosy ayaa shaaca ka qaadday in si rasmi ah uu u bilowday baarista lagu sameynayo Madaxweynaha Maraykanka iyo eedo sheegaya in dawladdo shisheeyey gargaar ka raadsaday, si ay uga caawiyaan dib u doorashadiisa sanadka 2020ka.

Pelosi ayaa hadalkan shaaca ka qaadday ka dib markii ay hogaamiyeyaasha xisbiga Dimoqraadiga kula kulantay Aqalka Baarlamaanka. Tirada dimoqraadiyiinta ah ee doonaya in madaxweynaha xilka laga qaado ayaa tiradoodu sii badanaysaa.

Pilosi ayaa Trump ku eedaysay in khayaameeyey dhaartii uu xafiiska u qaaday, amniga qaranka Maraykanka iyo amniga doorashada Maraykanka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment