861 Views

Golaha Shacabka oo yeelanaya dood ka dhan ah go’aankii Dhuusamareeb

Golaha Shacabka oo yeelanaya dood ka dhan ah go’aankii Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 25-2020–Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta taariikhduna ku beegan tahay 25/7/2020 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Agendaha kulanka ayaa ah, Ka Doodista Doorashadda 2020/2021, waxaana tilaabadaan wararka qaar ay sheegayaan in ay si weyn uga horjeedo kulankii Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyadda ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa isku daya in aan lala wareegin doorkooda ku aadan doorashooyinka in ay go’aan ka gaaraan.

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa socday abaabul ku aadan kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post