1632 Views

Waqtiga uu furmayo kalfadhiga 4-aad ee Aqalka sare oo la shaaciyay

Waqtiga uu furmayo kalfadhiga 4-aad ee Aqalka sare oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 08, 2018–Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa maanta kullan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga hadleen ka tashiga furitaanka kalfadhiga 4-aad ee Golaha Aqalka sare iyo waliba xog wareysi halka uu marayo dadaaladii ay wadeen Aqalka sare ee lagu xalinayay khilaafka Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleedyada dalka.

Kullanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi, waxayna inta badan Senatarada aragtiyo ka dhiibteen furitaanka kalafadhiga 4-aad ee Golaha Aqala sare.

Senator C/kaafi Macallim Xasan oo ah Habdhowraha Golaha Aqala sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la isku afgartay in ugu dambeyn la furo kalfadhiga 4-aad ee Golaha Aqalka sare 15-ka bishan October.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkii danbe ku mashquulsanaa dhammeynta is-afgaran waagii ka dhex jiray Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobolleredyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment