786 Views

SAWIRO:-Banaanbax looga soo horjeedo Farmaajo oo ka bilaawday Isgoyska Fagax

____________________________________________________________________________

Banaanbaxa oo ay dhigayeen qaar kamid ah dadka Shacabka ah ayaa waxaa uu ka dhigay Isgoyska Fagax oo kala qeybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaran ee Gobolka Banaadir, waxaana looga soo horjeeday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa taayaro ku gubay bartamaha Isgoyska, iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ay kamid yihiin, Muddo ororsi doonimeyo Farmajo doonimeyo iyo kaligii talis doonimeyno.

Sidoo kale dadka banaanbaxa dhigayay ayaa hakiyay isku socodka Gaadiidka ee Isgoyska Fagax, iyaga oo wadada dhagxaan ku jaray dabna ku shiday, waxaana banaanbaxaasha ilaalinayay Ciidamo Milalteri ah oo saacado ka hor la wareegay Isgoyska Fagax.

Xaalada Isgoyska Fagax ayaa ah mid kacsan, waxaana looga yeeray Warbaahinta Madaxa banaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay Warbaahinta la hadlaay Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada Millateriga ah

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post