1002 Views

Saraakiil ka tirsan Ahlusunna oo u digay Dowladda Federaalka

Saraakiil ka tirsan Ahlusunna oo u digay Dowladda Federaalka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 25, 2019 —Qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamadii Ahlusunna ee horay loogu biiriyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magalada dhuusamareeb ayaa Dowladda federaalka Soomaaliya uga digay inay ka baxdo heshiiskii ay la gashay Madaxda Ahlusunna.

 

Warbaahinta ayay kula hadleen Magalada Dhuusamareeb,waxana ay sheegeen in Madaxda Ahlusunna iyo Dowladda Federaalka ay heshiis horay u wada gareen,hayeeshee dowladda Soomaaliya ay u muuqato mid aan dhaqan gelinayeen heshiiskaas.

 

 

 

Waxaa ay sheegeen saraakiisha Ahlusunna hadii ay dowladda Soomaaliya ka baxdo heshiiskaas ay iyana yihiin kuwa qaadanaya Amarka Madaxda Sare ee ahlusunna,isla markaana aysan ku qanci doonin waxkasta oo ay dowladda Soomaaliya u keento.

 

Sidoo kale saraakiisha ayaa waxa ay soo hadal qaadeen dalacsiinta saraakiisha ciidamadii Ahlusunna,waxana ay sheegeen inaysan aqbaleyn in si gacan togaaleysi ah loo adeegsado dalacsiintaas.

 

Hadalkaan kasoo yeeray Saraakiishii ciidamada Ahlusunna ee ku biiray dowladda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay Madaxda Ahlusunna ay dowladda Federaalka ku eedeynayeen inaysan weli fulin heshiiskii ay wada gaareen.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment