720 Views

hoggaamiyeyaasha Muslimiinta Kenya oo ku hanjabay inay maxkamad la tiigsan doonaan Guddiga Macallimiinta Kenya

hoggaamiyeyaasha Muslimiinta Kenya oo  ku hanjabay inay maxkamad la tiigsan doonaan Guddiga Macallimiinta Kenya
____________________________________________________________________________

Axad: July 4, 2021

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Muslimiinta Kenya ayaa ku hanjabay inay maxkamad la tiigsan doonaan Guddiga Macallimiinta Kenya ee TSC, sababo la xiriira inaysan soo xayeysiin fursado badan oo waxbarashada Islaamiga ah.

Hoggaamiyeyaasha ayaa ka cabanaya in la gacan bidixeeyo macallimiinta maaddada Islaamiga ah ee IRE, iyadoo boosas yar uun la soo xayeysiiyo.

“Boosaska ay soo xayeysiiyeen TSC, keliya 12 ayaa laga siiyay maaddada IRE. Taasi waa caddaalad darro,” ayuu yiri Sheikh Juma Ngao, oo ah Mada Golaha Muslimiinta Kenya (Kemnac).

Wuxuu intaas ku daray in inta badan macallimiintu ay shaqo la’aan yihiin, taas oo ku qasbeysa inay raadsadaan shaqooyinka wax baridda halka gelin, iyadoo sidaas ay tahayna ay yihiin kuwo u qalma boosaska macallinnimo ee la soo xayeysiiyo.

“Boosaska macallimiinta Muslimiinta ah iyo kuwa dhiga diinta Kirishtaanka waa inay sinnaandaan. Jaamacado Islaami ah ayaan ku leennahay inta badan gobollada dalka, balse marka ay macallimiintu qalin jebiyaan ma helaan meel ay wax ka baraan,” ayuu yiri Sheikh Ngao.

Hoggaamiyeyaashan Muslimiinta ayaa sidoo kale doonaya in macallimiinta IRE laga shaqaaleysiiyo iskuullada dowladda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post