921 Views

Golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda adag ee ka taagan dalka Itoobiya

Golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay oo  kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda adag ee ka taagan dalka Itoobiya
____________________________________________________________________________

\Talaado: December 14, 2021

Golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ayaa maalinta Jimcaha ah kulan gaar ah ka yeelanaya xaaladda adag ee ka taagan dalka Itoobiya, kadib codsi uga yimid Midowga Yurub.

Codsigan waxaa taageeray saddex meelood meel ka mid ah 47-da dal ee xubnaha ka ah madashan, iyo sidoo kale kormeerayaal uu ku jiro Mareykanku.

Qaraar qabyo ah oo uu soo bandhigay Midowga Yurub ayaa cambaareeyay xadgudubyada ay geysteen dhammaan dhinacyada isku haya gobolka Tigray ee Itoobiya, taas oo madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Michelle Bachelet ay sheegtay bishii hore in ay noqon karto dembiyo dagaal.

Haddii la meel mariyo qaraarka Midowga Yurub waxay Itoobiya u samayn doonaan guddi caalami ah oo khubaro ah oo dhinaca xuquuqul insaanka ah, si ay baaritaan dheeraad ah u sameeyaan, ayna warbixin kasoo celiyaan sannad ka dib.

“Marka la eego xaaladda sii xumaaneysa, waxaan rumeysannahay in beesha caalamka ay waajib ku tahay inay isku dayaan inay ka hortagaan gabood-fallo kale oo ay xaqiijiyaan isla xisaabtanka iyo cadaaladda dhibanayaasha iyo kuwa badbaaday,” ayay ku tiri war qoraal ah oo ay soo saartay Lotte Knudsen, oo ah madaxa ergada Midowga Yurub ee Qaramada Midoobay ee Geneva.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post