768 Views

Xubin sare oo ka tirsan ururka Taalibaan oo Afghanistan lagu dilay

Xubin sare oo ka tirsan ururka Taalibaan oo Afghanistan lagu dilay
____________________________________________________________________________

Isniin: January 10, 2022

Saraakiil ka tirsan dowladda Pakistan ayaa sheegay in xubin sare oo ka tirsan ururka Talibaan ee Pakistan lagu dilay bariga Afgaanistaan.

Waxay saraakiishaasi sheegeen inay wali isku dayayaan inay ogaadaan sida uu u dhintay Muxamed Khurasani.

Waxa uu muddo badan soo ahaa af-hayeenka ururka Taalibaan, ee ka baxay ururki hore ee Taalibaan ee Afghanistaan.

Khurasaani wuxuu marar badan difaacay inuu wax door ah ku laheen dilki 2014-ki loo geystay ku dhawaad 150 arday oo iskuul lagu dhex dilay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Islamabad waxay sheegeen Khuraasaani inuu maamuli jiray xero dagaallamayaasha Taalibaan lagu tababaro oo ku taalla gudaha dalka Pakistan.

.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post