1158 Views

Xildhibaano lagu xiray Magalada Jigjiga

Xildhibaano lagu xiray Magalada Jigjiga
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 21, 2019 —Labo ka mid ah Xildhibaannada  baarlamaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa la xaqiijiyay in Xabsiga la dhigay,kuwaas oo shalay xasaanada laga qaaday sida uu sheegay Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdiwali Jaamac Ibraahim.

Xubnaha la xiray ayaa shalay xasaanada laga qaaday,waxana lagu kala magacaabaa  Nasradiin Canab iyo Farxaan Cabdi Maajuun,waxaana jirtay in tira ka dhowr jeer ah la isku dayay in xasaanda laga qaado Xildhibaanadaas,hayeeshee ay suurtoobi weysay.

Laba Xubnood ayaa waxaa lagu eedeeyay dambiyo kala duwan oo ah ka mid yihiin dad la laayay kicin Bulshada iyo Arrimo kale sida uu baahiyay Tv-ga Dowlad deegaanka Soomaalida.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in Xildhibaanadaas dacwadooda lagu qaado Maxkamad ku taalla Magalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya,sida ay sheegtay xeer Ilaalinta Guud ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Xildhibaannada Dawlad Deegaanka ayaa kulankii kan ka horreeyay ku diiday xasaanad ka qaadidda labadan xildhibaan.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment