417 Views

Mashruuca Biyoole oo Sheybaar ku wareejiyey wasaarada xanaanada xoolaha Galmudug

Mashruuca Biyoole oo Sheybaar ku wareejiyey wasaarada xanaanada xoolaha Galmudug
____________________________________________________________________________


Talaado June 21, 2022

Wasaaradda Xanaanada xoolaha Galmudug ayaa qalabka sheybaarka xoolaha kala wareegtay howl-wadeenada mashruuca Biyoole oo ah madhruuc lagu maalgalinayo wasaaradaha kheyraadka oo ay ka mid tahay wasaaradda xanaanada xoolaha Galmudug.

Munaasabada lagu wareejinayay qalabkaas sheybaarka ah waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Galmuudg Maxamed-deeq Cabdi iyo Agaasimaha guud ee wasaaradaas Dr. Suleymaan Mxaamed Saalax.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay howlwadeenada mashruuca Biyoole qalabkaan sheybaarka ee maanta lagu wareejiyay oo ah qalab casri ah, isla markaana muhiim u ah wasaaradda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanada xoolaha Galmudug, Dr. Suleymaan Maxamed ayaa isna dhankiisa ku nuuxnuuxsaday muhiimada uu qalabkani u leeyahay daryeelka caafimaadka xoolaha, wuxuuna ballan qaaday in dhawaan lagu howlgali doono qalabkan, si loo daboolo baahidii jirtay ee loo qabay daryeelka xoolaha iyo ogaanshaha cudurrada xoolaha Galmudug wajahayaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post