1149 Views

Dowladda oo ku dhawaaqday in la fasaxay duulimaadyada Kismaayo

Dowladda oo ku dhawaaqday in la fasaxay duulimaadyada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September- 29-2019 —Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u fasaxday duulimaadyada rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho kaddib codsi uga yimid shacabka.

 

Wasiir ku xigeenka wasaaradda ahna ku simaha wasiirka Warfaafinta Aadan Isaaq Cali ayaa ku dhawaaqday go’aanka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku aaddan duulimaadyada rayidka ah ee magaalada Kismaayo.

 

 

Waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda wixii ka dambeeya duulimaadyadda Kismaayo ay la mid noqon doonaan duulimaadyada magaalooyinka Soomaaliya.

 

Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa horay guud ahaan ku dhawaaqday in la joojiyay diyaaraddaha Aada iyo kuwa ka yimaada Garoonka Magaalada Kismaayo muddo Saddex maalin ah.

 

Maamulka Hey’adda ayaa ku wargeliyay Shirkadaha Diyaaradaha in la hakiyay duulimaadyadii tagi jiray Kismaayo laga bilaabo 23 bishan September illaa 26 bishan, waxaana mudadaas la sheegay in wax duulimaad ah ka degi karin Kismaayo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment