135 Views

Ciidanka Amaanka oo fashiliyey qarax khawaarijtu rabtay in ka fuliso Suuqa Xamarweyne

Ciidanka Amaanka oo fashiliyey qarax khawaarijtu rabtay in ka fuliso Suuqa Xamarweyne
____________________________________________________________________________

Mogadishu – Ciidanka amaanka ayaa Fashiliyey dhagar khawaarijtu rabeen in ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed ka dib markii Khawaarijtu Boorso waxyaabo qarxa ku soo gureen soo dhigeen meel u dhow kaalin shidaal oo ku taala Suuqa degmada Xamar weyne.

Ciidamada Amaanka ayaa intii aanay fashilin Qaraxa waxay xireen goobta si”aysan wax-yeelo uga soo gaaray dadka suuqa imaanaya oo khawaarijta la damacsanaayeen inay ku waxyeeleeyaan.

In ay laamaha amaanka ogaadaan waxyaabahaan qarxa waxay ku timid wada shaqayn ka dhexaysa ciidanka iyo Shacabka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post