1137 Views

Golaha Midowga Murashixiinta oo fariin u diray Somaliland

Golaha Midowga Murashixiinta oo fariin u diray Somaliland
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 6, 2021

Golaha Midowga Murashixiinta ayaa war-saxafadeed ay soo saareen ku sheegay inay aad uga xun yihiin xadgudubka lagula kacay dadka Soomaaliyeed ee laga soo raafay magaalada Laascaanood.

Golaha oo fariin u diraya Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-banaanida ee Somaliland ayaa yiri “midowga musharaxiinta oo ka damqanaya ku xadgubka lagula kacay sharafka iyo hantida dadka qasabka lagu barakiciyey ayuu madaxda Somaliland ugu baaqayaa in ay falkaas ka fiirsadaan, degdegna u joojiyaan.”

Midowga ayaa dhanka kale baaq u diray culimada, odayada dhaqanka, aqoonyahanka, indheergaradka iyo waxgaradka ka soo jeeda Somaliland, waxayna isla qoraalkaas ku xuseen “in ay hor istaagaan falkaa gurracan ee dhaawacaya walaalnimada, ehelnimada iyo ummadnimada ka dhaxaysa dadka Soomaaliyeed.”

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post