1377 Views

Dowlada Somaliya oo sheegtay in Jabuuti ay xirtay agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin

Dowlada Somaliya oo sheegtay in Jabuuti ay xirtay agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin
____________________________________________________________________________

Jimco: September 17, 2021

Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay xirtay agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo dhowaan loo magacaabay inuu noqdo la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Af-hayeen u hadlay madaxtooyada Soomaaliya ayaa arrintaas u tilmaamay mid aan sharci ahayn oo aan sii xoojinayn xiriirka labada dowladood.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jabuuti ayaa VOA u sheegay in Fahad Yaasiin oo ay la socdaan ilaa 40 qof ay la imaadeen diyaaradda Turkish Airlines iyagoo u socday Muqdishu, hase yeeshee ay diyaaraddu heshay amar ah inaysan rakaabkaasi iman karin Muqdishu.

Sarkaal ka tirsan Jabuuti oo diidya in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in haddii Fahad iyo wafdiga la socda aysan u safri karin Muqdishu ay ku celin doonaa halkii uu asal ahaan safarkiisu kasoo bilowdya oo ah magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post