1149 Views

SAWIRO:-RW Kheyre oo ka qeyb-galay Shir looga hadlayay Arrimaha Somalia

SAWIRO:-RW Kheyre oo ka qeyb-galay Shir looga hadlayay Arrimaha Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-18–2019 —Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka uga qayb galay shirka miiska wareegsan ee Bangiga iyo hey’adda lacagta adduunka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad uu shirka ka jeediyay waxa uu uga hadlay guulaha laga gaaray qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida ay dowladda Soomaaliya uga qo’antahay buuxinta shruudaha ku xiran in dalka deynta laga cafiyo.

 

 

 

Ka qayb galayaasha shirkaan, oo ay soo qabanqaabisay dowladda Ingiriiska, ayaa isla qiray in Soomaaliya ay gaartay guula muhiim u ah mustaqbalka dalka iyo gaaridda barta go’aanka ee deyn cafinta dalka, waxa ayna ballan qaadeen in ay sii wadayaan taageerada, iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment