1464 Views

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Madaxweynaha Cusub Ee Bankiga Adduunka

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Madaxweynaha Cusub Ee Bankiga Adduunka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL April 10  2019–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Washington waxa uu kulan kula qaatay madaxweynaha cusub ee Bankiga Adduunka, David Malpass.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo madaxweynaha cusub ee Bankiga Adduunka ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta howlaha dib-u-habeynta hay’adaha dowladda iyo kaalinta uu bangiga adduunku ka geysanayo.

Kulanka ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo madaxda bangiga adduunka, hay’adda lacagta dunida ee IMF iyo hay’adaha maaliyadda adduunka ee Washington ku kulansan Gugan.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta hay’adaha maaliyadda dalka sida Guddoomiyaha cusub ee bankiga dhexe, Hanti-dhowraha Qaranka iyo Wasiirrada Maaliyadda iyo Qorsheynta.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment