1101 Views

Al-shabaab oo beeniyay in lagu laayay dagaal ka dhacay Gobolka Mudug

Al-shabaab oo beeniyay in lagu laayay dagaal ka dhacay Gobolka Mudug
____________________________________________________________________________

Arbaco: july 21 2021

War ka soo baxay Ururka Al -Shabaab ayaa lagu beeniyay warkii taliyaha ciidanka dhulka ee Soomaaliya ee ahaa in Milatariga Soomaaliya ay dhawr iyo todobaatan ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil ajnabi ah lagu dilay duullaan lagu qaaday shaldhigyadooda ku yaalla gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Dhulka ee Soomaaliya Jenaraal Maxamad Tahliil Biixi oo hogaaminaya duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Mudug, ayaa BBC-da u sheegay in dagaallada ay ku qaadayaan deegaannada Shabaab ay haystaan uu yahay mid qorsheysan oo ay kala hoggaaminayaan isaga,wasiirka amnga maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Sanatar Cabdi qayb-diid.

Deegaannada ka tirsan gobalka Mudug gaarahaanna Bacaadweyne ayaa waxaa ku soo laalaabtay dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa maamulka Galmudug oo iskaabaya iyo Al-Shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post