1740 Views

Qaladaadka shirkii Nairobi iyo Siyaasiyiinta xilalka u ooman!

Qaladaadka shirkii Nairobi iyo Siyaasiyiinta xilalka u ooman!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 23, 2019 – Waxaa Shalay magaalada Nairobi shir ku yeeshay qaar ka mid ah madaxda axsaabta siyaasadeed, xildhibaanno mucaarad ah oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale, kaas oo ay ku dalbanayeen in xukuumadda haatan la kala diro.

Waxay xildhibaannadaas iyo siyaasiyiintu ku eedeeyeen dowladda federaalka Soomaaliya inay diidday in mucaaradku ay shirar ku qabsadaan magaalada Muqdisho, sidaas daraaddeedna ay ugu qabteen Nairobi.

Xildhibaan Cabdifataax Ismaaciil Daahir, oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qayb galay kulankaas ayaa BBC-da u sheegay in hoteellada Muqdisho laga xannibay in lagu qabto shirar siyaasadeed.

“Waxaa waajib ah in xaqa dastuuriga ah ee qofka la eego oo hoteellada loo fasaxo ganacsiyadooda, taas ayaa sabab u ah inaan Nairobi ku qabanno shirka, eeddeedana waxaa yeelaneysa xukuumadda,” ayuu yiri Cabdifitaax.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda federaalka Soomaaliya oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in siyaasiyiintu ay la gudbooneyd inay iyagoo gudaha dalka jooga ay talooyin u soo jeediyaan dowladda.

“Dalkan dowlad ayuu leeyahay, ceddii wax qabsanayso waa inay codsi u soo qorataa wasaaradaha iyo hay`adaha ay quseyso, waayo ammaankooda ayaa lagu sugayaa. Iyaga ayaa doonaya inay dad isu keenaan oo wixii amni darro dhacana dowladda ku eedeeyaan, taasi suurto gal maaha.” Ayay tiri.

Inkastoo ay cudurdaar u yeeleen in dowlada hadda jirta ay u diiday inay ku shiraan magaalada Muqdisho, taasoo keentay inuu shirkooda ka dhaco magaalada Nairobi, haddana waxaa ku jiray xildhibanno fara badan oo maalin kasta ku dhegan madaxda dowladda iyadoo Muqdisho jooga.

Siyaasiyiintan ayaa ujeeddada ugu weyn ee shirkooda ku sheegay inay walaac ka qabaan geeddi-socodka dhismaha dowladnimada iyo nabadeynta ee dalka, iyagoo soo saaray qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha ammaanka, siyaasadda dibadda iyo wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxay sheegeen in dowladda federaalka Soomaaliya ay ku fashilantay sugidda ammaanka dalka, ayna ka gaabisay la dagaallanka Alshabaab, waxayna soo jeediyeen in la dhiso xukuumad cusub.

“Madaxweynaha labo sano ayaa u harsan, laakiin raysal wasaaraha waxaan soo jeedinayaa in xilka laga qaado oo lagu beddelo qof ka karti badan oo howlaha loo igmaday qabanaya. Annagu ma nihin xukun raadis oo ma dhahayno annaga ha nalagu beddelo, ee waxaan dooneynaa in qof kale oo ka habboon lagu beddelo .” Ayuu yiri Cabdifitaax.

Khaladaadka ku jira war-murtiyeedka siyaasiyiintaasi waxaa ka mida:

1- Inay ahaayeen shaqsiyaad ilaa 30 xubnood ah oo u badan musharixiin hore iyo mas’uuliyiin xilal kasoo qabtay dowaldda hadda jirta, isla markaana aanay jirin cid ay hadda metelaan iyo sharciyad ay ku hadli karaan, marka laga reebo inay ahaayeen koox oo ra’yi isku darsatay.

2- Inay codsi u direen madaxweyne Frmaajo si uu meesha uga saaro xukuumadda hadda jirta, taasoo aan ahayn qaab lagu rido Ra’iisal wasaare iyo xukuumad; sida xukuumad loo rido waxaa loo maraa Baarlamaanka, iyadoo loo qaadayo codka kalsoonida marka mooshin laga keeno, kamana mid aha awoodaha madaxweynaha.

3- Qabashada shirweyne Qaran: Waxa ku hanjabeen inay shirweyne Qaran bisha June ku qabanayaan magaalada Muqdisho, haddii la casili waayo xukuumadda Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, taasoo micnaheedu yahay fowdo iyo sharci darro laga booday hay’adihii sharciga ahaa sida Baarlamaanka.

Marka la isku soo duubo kooxda siyaasiyiinta ah ee ku shirtay magaalada Nairobi waxay u muuqdeen inay xilal u ooman yihiin oo kaliya, iyagoo og inaysan suuragal ahayn xilligan si loo kala saaro Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

 

.

.

Xigasho: Caasimada Online

 

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment