1491 Views

Doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa

Doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa
____________________________________________________________________________


khamiis: November 25, 2021

 Maanta oo khamiis ah ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo degaan doorashadoodu tahay degaannada Galmudug.

labo kursi oo kala ah HOP#067, iyo HOP#43 ayaa u muuqda kuwo aan lagu geli doonin tartan xoogan, iyada oo mid kamid ah kuraasta Golaha Shacabka muran uu ka taagan yahay.

labada kursi ayaa waxaa horay uga kala fadhiyay Xuseen Iidow iyo Cadow Cali Gees,waxaana kursiga HOP#067 ku tartamaya Agaasimaha KMG ah ee NISA Yaasiin Fareey, Janeraal Gacmadulle iyo musharax kale.

Halka kursiga HOP#43 ay ku tartamayaan Xuseen Iidoow iyo musharax uu isaga wato, iyada oo la filayo in uu ku guuleysto Xuseen Iidow.

Kursiga HOP#067 ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagn3yd cabasho, iyada oo musharrixiin uu kamid yahay taliyihii hore ee NISA Cbadiraxmaan Tuuryare ay sheegeen in laga hor istaagay u tartamid kursigaas, isla markaana Ergada laga dhigtay Ciidamo iyo dad aan Soomaali aheyn.

Galmudug ayaa qorsheysay qabashada Shan kursi oo laba kamid ah shalay la doortay, halka Maanta laba kale la dooranayo, wuxuuna Maamulka Galmudug uu noqday Maamulkii ugu horreeyay ee bilaaba doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post