1068 Views

Wadahadallo u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka oo ka furmaya Turkiga

Wadahadallo u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka oo ka furmaya Turkiga
____________________________________________________________________________

Isniin: March 28, 2022

Wadahadalo fool ka fool ah oo u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka ayaa la filayaa inay qabsoomaan todobaadkan.

Afhayeenka madaxtooyada Ruushka Dmitry Peskov ayaa hadda sheegay inay u badntahay inay bilaabmaan maalinta Isniinta, balse laga yaabo inay dib ugu dhacaan Talaadada.

Waxa uu sheegay in wafdiga Ruushka ay u ambabaxayaan dalka Turkiga oo martigelin doona wada-hadallada, maalinta Isniinta ah.

Kulamada fool-ka-fool-ka ah “waxay suurageliyaan in wadahadallada loo qabto si diiradda loo saaro xaaladda jirta, ee adag,” ayuu yiri. “Waa wax laga xumaado, ma dhihi karno waxaa jira guulo la taaban karo ama horumarro la taaban karo,” ayuu raaciyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post