624 Views

QM oo mar kale ka digniin kasoo saartay abaaraha ka jira Soomaaliya.

QM oo mar kale ka digniin kasoo saartay abaaraha ka jira Soomaaliya.
____________________________________________________________________________

Sabti: June 25, 2022

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa sheegtay Jimcihii in ay raadinayso 993.3 milyan oo doolarka Maraykanka ah si ay u bixiso gargaar naf-badbaadin ah si looga hortago abaaraha soo food saaray Soomaaliya.

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa sheegay in saameynta abaarta iyo cadaadiska dhaqaale ee dalka ka jira ay sii kordhinayaan in dadbadan ay u nafwayaan macaluul.

Bayaan ka soo baxay OCHA ayaa lagu sheegay “Dadka gaaraya 7.7 milyan oo qof ayaa ​​u baahan gargaar bini’aadannimo, kuwaas oo 7 milyan oo ka mid ah la sheegay inay abaartu ay saamaysay,”.

Hey’adda UN OCHA, ayaa sheegtay in ay ku hawlantahay waxqabadkeedii ugu dambeeyay ee abaaraha iyo ka hortagga macluusha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post