1035 Views

Wasaaradda Caafimaadka oo ku sheegtay maanta dhimashada 6 qof Covid 19-

Wasaaradda Caafimaadka oo ku sheegtay maanta  dhimashada 6 qof Covid 19-
____________________________________________________________________________

..

February 22, 2021

 Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay cudurka carona laga heley 229 kiis ka dib baaritaan lagu sameeyay 2,476 qof oo ku kala nool guud ahaan dalka.

Gobolka Banaadir ayaa laga diiwaan geliyay tirada ugu badan oo ah 117 kiisas, iyadoo Jubbaland laga heley 1 ruux , Soomaaliland 46 kiis, Koofur Galbeed waxaa laga diiwaan geliyay 2 kiis, halka Puntland laga helay 63 kiis.

Xogta wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dhimasha ay tahay 6 qof, waxaana cudurka ka bogsooday 14 ruux.

Guuud ahaan dalka waxaa laga diiwaan geliyay 6,246 kiis oo ay ku jiraan 208 qof oo cudurka u geeriyootay, waxaa xanuunka ka bogsooday 3,778qof.

Saraakiisha caafimaadka dalka ayaa ku cel celinaya ahmiyadda ay bulshada u leedahay in ay la yimaadaan taxadir dheeraad ah, maadaama cudurka uu soo labo kacleeyay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post