1053 Views

Puntland oo sheegtay in wixii fashil oo Imtixaanka ah uu u gooni yahay Wasiir Goodax

Puntland oo sheegtay in wixii fashil oo Imtixaanka ah uu u gooni yahay Wasiir Goodax
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 19, 2019–Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee maamulka Puntland C/llaahi Maxamed Xassan ayaa beeniyay hadal shalay ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre, kaasoo ahaa inuu fashilmay Imtixaanka Puntland.

C/llaahi Maxamed Xassan ayaa sheegay in Imtixaankooda uu si habsami leh ugu socdo, wuxuuna su’aal ka keenay halka uu Wasiir Goodax ka helay xogta sheegeysa in Imtixaanka Puntland oo ay galayaan in ka badan 15-kun oo ardey uu fashilmay, isagoo ka dalbaday inuu dibadda u soo saaro cadeynta hadalkaas.

 

“Adeer wax ka jiraa ma jiraan, wasiirku isagaa laga rabaa in uu caddeeyo oo sheego meesha uu ku fashilmay, isagaa laga rabaa in uu keeno caddeyn, Puntland imtixaankeedii sidii loogu tala-galay buu u socdaa, maalintii koowaadna wuxuu ku dhammaaday si aad u sharafleh meel dhibaato ka jirtayna ma jirto” ayuu yiri Wasiirka.

 

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee maamulka Puntlan ayaa sheegay in aysan jirin wax xiriir ah uu maamulkiisa la soo sameeyay Wasiir Goodax Barre, Imtixaanka ay sida gaarka ah u qaadanayaanna aaney jirin wax dhibaata ah oo qabsatay.

 

Hadalkii Wasiir Goodax Barre uu shalay ka sheegay magaalada Jowhar ayaa durba buuq cusub ka dhex dhaliyay maamulka Puntland iyo dowladda dhexe, waxaana dib u soo cusboonaaday khilaafka labada Wasaaradood, kaasoo dhowaan ay xal ka gaareen Senatoro ka soo jeeda Puntland oo ka tagtay magaalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment