924 Views

Galmudug oo sheegtay in ay la wareegtay Guriceel

Galmudug oo sheegtay in ay la wareegtay Guriceel
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 23 2021=Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa sheegay in ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo saaka ay ka fuliyeen howlgal lagu soo celinayo magaaladaas gacanta dowladda.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Axmed Shide Falag ayaa sheegay in ciidanka Galmudug ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada.

Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa banaanka magaalada oo la sheegayo in ay ku sugan yihiin kooxdii Ahlu sunna ee magaalada laga saaray.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Ahlusunna oo ay kula dagaallameen ciidanka dowladda Guriceel.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post