414 Views

Wararkii ugu danbeeyay Laascaanood iyo ciidanka deegaanka oo gacanta ku haya iyo garaad Jaamac oo dadka la hadlay

Wararkii ugu danbeeyay Laascaanood iyo ciidanka deegaanka oo gacanta ku haya iyo garaad Jaamac oo dadka la hadlay
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 5 2023

Sida ay cadeynayaan wararka aan hadda ka helayno magaalada Laascaanood, ciidanka  deegaanka ah oo xalay qabsaday magaalada kana saaray maleeshiyaadka Sonaliland ayaa maamulaya gudaha, dhammaan ciidankaas ayaa isku balaadhiyey jidadka oo dhan iyo sidaas oo kale goobo ay 10-kii maalmood ee lasoo dhaafay difaacyo kasameysteen ciidanka Somaliland ee magaalada laga saaray xalay.

Shirkada isgaadhsiinta oo khadka Internetka Hawada ka saaray, ayaa hada deg deg u furay,  Sidoo kale waxaa kulan la yeeshay Hogaanka dhaqanka, Iyadoo hada  Awood shacab dib loogu furay Khadka Internetka iyo Adeegga lacag labixida, oo cunaqabateyn ay Somaliland saartay 11-kii naalmood ee hore.

Somaliland ciidankeeda ayaa xalay dagaal looga saaray magaalada, iyagoo kusugan daafaha magaalada, kulan ay xalay saqdii dhexe ku lahaayeen taliskooda Gooja-Cade lama yaqaano waxa kasoo baxay.

Kacdoonkii shacabka ee ka dhashay dilalka Qorshaysan iyo gumaadka Somaliland ku hayso Bulshada deegaanka  kadib,   Waxgaradka iyo  Isimadda dhaqanka ayaa ugu yeeray todobaadkan in ay la baxaan ciidankooda, balse ma aysan aqbalin xalay dadka deegaanka ayaa dagaal uga saaray magaalada gudaheeda, inkasta oo ay weli jogaan gobolka Sool.

Badhasaabkii Somaliland u fadhiyey Laascaanood iyo Masuuliyiintii kale ayaa xalay ka cararay magaalada Laascaanood, waxaa la sheegay inay Xalay ku hoydeen magaalada Oog.

Dabaaldegyo ayaa ka socda magaalada, Shacabka ayaa isugu soo baxay, waxaana muuqaalo lasoo gudbiyey hada ay muujinayaan dadka oo magaalada Haysta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post