630 Views

Maalinta kala baxa: Wax ka ogow arrimaha xiisaha leh ee maalinta ugu dambeysa Premier League-ga.

Maalinta kala baxa: Wax ka ogow arrimaha xiisaha leh ee maalinta ugu dambeysa Premier League-ga.
____________________________________________________________________________

Axad: May 22, 2022

Maalinta Axadda waxaa la soo gabagabaynaa horyaalka Premier League-ga, waa maalin ku suntan in la ogaan doono Manchester City & Liverpool kooxda hanan doonta koobka loo hardamaya, waxaa kale oo lagu kala bixi doono kaalinta afaraad oo ay ku hardamayaan Arsenal & Tottenham inkastoo ay kala fursad badan yihiin.

Kuma eka oo kaliya guusha horyaalka iyo kaalinta afaraad ee waxaa kale oo la ogaan doono kooxda saddexaad ee ka baxaysa horyaalka ee ku biiraysa Norwich City & Watford, iyadoo kooxaha Leeds & Burnley midkood aanay ka ciyaari doono horyaalka sare ee Ingiriiska xilli ciyaareedka soo socda.

Labaatanka kooxood ee horyaalka ku ciyaaraya ayaa beri isku xilli 6-da fiidnimo saacadda Geeska Afrika fooda isdari doono.

Man City & Liverpool oo u dhaxaysa hal dhibic ayaa ku loolamaya koobka, iyadoo labadan kooxood ay ku ciyaarayaan garoomadooda, Man City waxay qaabilaysaa Aston Villa halka Liverpool u babacdhigayso Wolves.

Chelsea oo kaalinta saddexaad ku jirta xisaab ahaan waxay ku dhamaysanayaa kaalinta saddexaad oo kulanka ay la ciyaarayso Watford xitaa haddii laga badiyo oo Tottenham ay ka badiso Norwich City waxay booskaasi ku haysanayaa goolasha ay ka badan tahay Tottenham oo ah 18 gool taasi oo ay adag tahay in Tottenham hal kulan dhaliso intaas oo gool.

Kaalinta afaraad oo ka kamid ah boosaska looga qayb galo horyaalka waxaa haysta Tottenham waxay u wayn kartaa haddii Arsenal ka badiso Everton oo ay ku soo dhawaynayso Emirates Stadium, isla markaana Norwich City oo gurigeeda Carrow Road kula ciyaarayso Tottenham badiso.

Tottenham iyo Arsenal midkood oo ka ciyaari doono Europa League-ga waxaa ku soo biiri doona Manchester United ama West Ham, haddiise Man Unitd badiso waxay noqonaysaa in West Ham ka ciyaari doono Europa League Conference, baddiise Man United oo Crystal Palace ugu tagaysa garoonkeeda Selhurst Park laga badiyo ama barbardhac ay gasho oo West Ham oo Brighton ugu marti ah Amex Stadium ay badiso waxay ka macno tahay in Man United ka ciyaari doono Europa League Conference xilli ciyaareedka soo socda.

Boosaska horyaalka looga dhaco ee saddexda mid ka mid ah ayaa xiiso gaar ah leh, Burnley oo garoonkeeda Truf More ku qaabilaysa Newcastle United waxay u baahan tahay in ay badiso ama barbardhac ay gasho oo laga badiyo Leeds United oo marti ugu ah Brentford garooneeda Brentford Community Stadium. Laakiin haddii ay labaduba galaan barbardhac markaas Leeds United ayaa baxaysa maadaama farqiga xagga goolasha laga dhaliyey ay badan tahay.

Kabta Dahabka ah:

Gool dhalinta lagu mutaysto kabta dahabka ah waxaa iminka 22 gool inuu ku qaado ay u badan tahay Maxamed Saalax, waase haddii aanu wax dhalin kulanka beri ee Wolves oo saddex gool uu dhaliyo Heung-Min Son oo 20 gool leh, waxaa tartanka ku jira Cristiano Ronaldo oo leh 18 gool una baahan 5 gool inuu dhaliyo.

Gacmo gashiga Dahabka ah:

Abaalmarinta gacmo gashiga dahabka ah ama goolhayaha ugu fiican waxaa isku haysta labada wiil ee Brazil ka soo jeeda Alisson iyo Ederson oo Liverpool iyo Man City u kala ciyaara kuwaasi oo min 20 kulan aan wax gool ah laga dhalin horyaalka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post