573 Views

Dhalinyaro Siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho.

Dhalinyaro Siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho.
____________________________________________________________________________


Arbaco: January 12, 2022

Koox hubeysan ayaa Allaha unaxariistee xalay fiidkii ku dilay magaalada Muqdisho tiro dhalinyaro ah kuwaa oo gaarayo ilaa 6-qof.

Dhalinyarada la dilay waxaa kamid ah Cabduqaadir Xassan Ashkir oo lagu dilay xaafada Carafaad ee Dagmada Yaqshid. Marxuumka ayaa la dilay xilli laga dhacaayey taleefankiisa gacanta.

Xalay ilaa Shalay waxaa Muqdisho lagu dilay ilaa 6 dhalinyaro oo uu sidoo kale kamid yahay allah u naxariisto Abdulkadir Nuur.

Sida ay KNN ushegeen dadka degaanka 4-kamid ah waxaa dilay tuugo teleefanada doonayay in ay ka dhacaan, halka kalana uu dilay askari, waxaana kan kale aan la ogeyn Cida Diashay.

Maalmihii lasoo dhaafay Waxaa muqdisho kusoo badanayay Dhaca taleefannada. Waxaana Kooxa wax dhacayo ay dilayaan Qofkii laga waayo ama isku dhejiyo teleefanka ,waxaana dhamaan baxsado Burcada xubeeysan ee dilka geesato.

Laamaha Amaanka Dowladda wali kama aysan hadlin dilalka kala duwan ee ka dhacay Muqdisho.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post