3759 Views

Shariif Xasan Shiikh Aden oo M/weyne isku soo sharaxayo maanta.

Shariif Xasan Shiikh Aden oo M/weyne isku soo sharaxayo maanta.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 17, 2016: Warar muhim ah oo aan helnay ayaa xaqiijinaya in maanta lagu wado in uu ku dhawaaqo, Shariif Xasan Shiikh Aden, in uu u taagan yahay jagada M/weynenimada Somalia.

Shariifka oo miisaan culus ku leh siyaasada Somalia ayaa waxa uu shalay dib ugu laabtay Baydhaba waxa uuna durba bilaabaya xaflada qaban qaabada isa soo bandhigistiisa ee ku aadan jagadaas.

Sida an ka warqabno, Sharif ayaa horay u sheegay in isaga uu doonaayo in sanadkaan beesha Raxanweyne ay Madaxweyne ka noqoto Somalia isla markaana ay ka tanaasulaan booska gudoomiyaha Baarlamaanka si meeshaas qof kale lagu aadiyo.

Illaa iyo hadda lama oga garabka uu xulufada la leeyahay Shariifka balse waxaa loo badinayaa dhanka Xasan Sheekh maadaama sanadahaan ay isku dhawaayeen labada nin, howlaha siyaasadda ay ka dhxayso.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment