150 Views

Kumaandooska Danab oo sheegay iney gacanta kusoo dhigeen Sarkaal katirsanaa Al-shabaab

Kumaandooska Danab oo sheegay iney gacanta kusoo dhigeen Sarkaal katirsanaa Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Khamiis: SEPTEMBER 8, 2022

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa howlgalo qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanada Yaaq Bishaar, Buulaxaaji, kanjaroon iyo Warta Biloow ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mudadii ay ciidanku wadeen howlgalada iney gacanta kuso dhigeen Sarkaal Al-shabaab u qaabilsana dhanka miinooyinka, kaasoo magaciisa lagu sheegay Xasan Cabdullaahi Abshir.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay inay howlgaladaasi ku dileen xubno kale oo kamid ahaa Ururka Al-shabaab.

Taliye Carab ayaa ugu dambeyn shaaciyey in Ciidanku soo saareen Miinooyin ay dhulka kuu aaseen, isagoo ballan qaaday inay howlgalka sii wadi doonaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post