1560 Views

Xilliga La Furi Doono Garoonka Diyaraadaha Ee Laga Dhisayo Magaalladda Baraawe Oo La Shaaciyey

Xilliga La Furi Doono Garoonka Diyaraadaha Ee Laga Dhisayo Magaalladda Baraawe Oo La Shaaciyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 29, 2019 —Enjineer Xuseen Caddow oo ka tirsan Shirkadda Maalgelinta Dhismaha ee Bubaali ee gacanta ku haysa dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Baraawe ayaa sheegay inuu heer gebagebo ah marayo Hawlaha Garoonkaasi.

Mas’uulkaasi ayaa waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Taliyaha qeybta 1-aad ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, Jeneral Misheel Kabango kormeer hawleed ku tegay Garoonkaasi oo la filayo inay adeegsadaan Duullimaadyadda sahayda u wada Ciiddanka AMISOM ee ka hawl-gala Gobalka Sh/hoose.

Enjineer Xuseen Caddow waxa uu u sheegay Taliyahaasi inay ku hawlan yihiin dhamaystirka dhabaha ay Diyaaradaha ku cararaan ee (Runway)-ga, isla markaana ay rajeynayaan inay dhamasytiraan dhamaadka bisha soo socota ee Feberaayo ee sannadkan 2019-ka.

Garoonkaasi waxa uu Ciiddanka AMISOM u fududeyn doonaan in  Diyaaradaha Xamuulka iyo kuwa Helikopterka lu adeegsadaan sidii loogu  soo daabuli lahaa Sahaydooda iyo saanadooda Milliteri,  isla markaana ay ka kaaftoomi doonaan in shixnadaha loo soo marsiiyo dhulka.

Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha Taliska Hawlgalka AMISOM waxay horey walaac xooggan uga muujiyeen khatarta  xooggan ee ay Ciiddankooda kala kulmaan Waddooyinka isku xirta magaalladda Muqdisho iyo Goballadda Labada Shabelle.

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment