984 Views

Baadi goob weli loogu jiro dad lagu la’yahay qaraxii Ex-koontarool

Baadi goob weli loogu jiro dad lagu la’yahay qaraxii Ex-koontarool
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 30–2019 | —Maalmo kaddib qarixii khasaaraha geystay ee ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye, weli isbitaallada iyo goobaha caafimaad ee Muqdisho waxaa ka taagan xaalad murugsan, waxaana qolalka meydadka la dhigo, hor tuban boqolaal shacab ah oo baadi goobaya xubno ka mida eheladoodii si ay ugu helaan nolol iyo geeri mid uun.

 

Hay’adda danbi baarista Boliiska Soomaaliyeed ee C.I.D iyo maamulka isbitaalka Madiina ayaa ku howlan sidii ay u reebi lahaayeen, xogta meydadka eheladoodii la’yahay, si xogtaasi loogu reebo xilliga ay yimaadaan eheladooda.

 

 

 

Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad 11 meyd ay si daran u gubteen,taas oo sababtay in la aqoonsan waayo,waxaana hay’adda danbi baarista ee C.I.D ay wadaa sidii meydadka looga baari lahaa dheecaanka D.N.A si loo garto cidda ay ka maqanyihiin.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay dalka Turkiga u qaaday qaar kamid ah dhaawacyadii cuslaa ee ku waxyeelloobay qaraxii Ex koontarool,waxeyna dowladdu wadaa gurmad dibadda loogu qaaday dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga qaba karin,iyadoo maanta la filayo in dalka Qatar loo qaado dhaawacyo kale, si halkaas loogu soo dabiibo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment