1350 Views

SAWIRO:-Madaxweyne Deni oo qaabiley Safiirka Masar ee Soomaaliya

SAWIRO:-Madaxweyne Deni oo qaabiley Safiirka Masar ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 29, 2019 —Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku Qaabiley wafti ballaaran oo uu hogaaminayo safiirka dalka Masar ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulanka muhiim ka ah ee uu la qaatay safiirka dalka Masar ee Soomaaliya iyo weftiga balaadhan ee uu hogaaminayo.

 

“Waxaa booqasho noogu yimiid safiirka Dowladda Masar ee aan walaalaha nahay iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo waxaan aad uga mahadcelinaynaa safiirka dedaalkiisa uu ugu jiro sidii uu u kobcin lahaa xiriirka iyo wadashaqaynta dalka Masar iyo Soomaaliya wadahadalladii qaybihii hore ayaan yeelanay, qayba danbe waan yeelan doonaa mudo sadex bari ahna dalka way ku sugnaan doonaan ilaa magaalada Boosaaso ayey tegi doonaan

 

“Safarkan wuxuu ku waajahan yahay sidii loo kobcin lahaa xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan Puntland iyo xiriirka wax wada qabsi ee dhinacyada horumarinta, caafimaadka, waxbarashada, Cadaaladda, kalluumaysiga iyo khayraadka kale ee xoolaha iyo wixii la halmaala”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 

Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar ayaa dhankiisa ka warbixiyey kulanka muhiim ka ah ee uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland.

 

“Waxaan ka mahadnaqaynaa qaabilaadda wanaagsan ee aan kala kulanay Madaxweynaha Puntland, waxaan ahay Safiirka Masar ee Soomaaliya, waxaa safarka igu wehelinaayey wafdii ballaaran, safarkaygu wuxuu ku salaysnaa xiriirka ganacsi ee Puntland iyo Masar iyo ka caawinta Puntland fursadaha banaan, khaasatan waxbarashada, Caafimaadka iyo Amniga”

 

“Masar waxay ahmiyad balaaran siinaysaa xiriirka walaalahooda Soomaaliyeed iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dheexeeya Masar iyo Soomaaliya, gaar ahaan Puntland xiriirkaas oo soo bilaabmay xilligii Faraaciyiinta, intan joogno waxaan kulamo kala duwan la qaadan doonaan goleyaasha kala duwan ee dowladda, waxaanna safaro ku tegaynaa magaalooyin dhowr ah” Ayuu yiri Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar

 

Kulanka Madaxweynaha Puntland waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaardda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Sheekh Xaamud, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtootada Dowladda Puntland Cabdiweli Cali Timacade..

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment