597 Views

Safiirka Mareykanka isku diyaarinaya inuu la wareego safaarada Somaliya ee Muqdisho

Safiirka Mareykanka isku diyaarinaya inuu la wareego safaarada Somaliya ee Muqdisho
____________________________________________________________________________

.


Sabti: January 15, 2022

Safiirka cusub Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre ayaa booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Washington, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Kuxigeenka Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, Jacfar Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyay Danjiraha Mareykanka ee dalka.

Qoraal lagu daabacay barta Safaaradda ee Twitter-ka ayaa lagu yiri “Jacfar Jaamac oo ku hadlaya magaca Safaaradda ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Larry Andre oo si diiran loogu soo dhaweeyay, si ay uga wada hadlaan dhinacyada danaha iyo iskaashiga labada dhinac. Waxaan u rajeynaynaa Danjire Andre in uu si wanaagsan u guto shaqadiisa, uuna xoojiyo xiriirka.”

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa 15-kii bishii April ee sanadkii hore waxa uu Larry Andre u magacaabay inuu noqdo Danjiraha xigga ee Mareykanka u joogga Soomaaliya.

https://e8184acbf40b728b4ebcbb680e327c47.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Bishii December, Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa codka kalsoonida siiyay Danjiraha cusub, ka dib markii Guddiga Arrimaha Dibadda ee aqalkaasi uu goluhu horgeeyay magacaabidiisa.

Larry oo 60 jir ah ayaa isu diyaarinaya inuu la wareego xilka safaaradda Muqdisho, oo hadda si ku-meel gaar ah ay u hayso Colleen Crenwelge, kadib markii madaxweyne Biden uu beddelay Donald Yamamoto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post