843 Views

Booliska UK oo xiray labo ruux oo diyaarad iyo rakaabki saarnaa halis geliyay

Booliska UK oo xiray labo ruux oo diyaarad iyo rakaabki saarnaa halis geliyay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 14 2020–Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda lagu Magacaabo RynaAir ayaa duullimaadkeedi si degdeg ah u joojisay kaddib marki suuliga diyaaradda laga helay farriin sheegeysa in diyaarad bam uu ku xiran yahay.
Diyaaradda ayaa kasoo duushay Magaalada Krakow iyada oo ku sii jeedday magaalada Dublin, waxaana ay si deg deg ah ugu degtay Garoonka Stansted ee Essex ka dib markii cabsi soo wajahday duulimaadka.
Dhammaan rakaabkii saarnaa diyaaradda ayaa si nabad ah uga degay ka dibna Ciidanka Booliska ayaa baaris ku bilaabay , waxaana ay sheegeen iney diyaaradda ilaa iyo hadda iney ka helin bamka looga shakisanaa.
Booliskuna waxay xireen laba qof oo looga shakiyey iney diyaaradda iyo rakaabki saarnaaba halis geliyeen.
Ciidanka Booliska ayaa xabsiga dhigay labo ruux oo da’dooda lagu sheegay 26 iyo 47 jirro , waxaana looga shakisan yahay falka cabsi galinta ee Shacabka in ay soo abaabuleen.
“Diyaaradda iney si caadi ah u soo cagadhigatay, balse diyaaradda la geeyey meel cidhif ah iyada oo rakaabki diyaaradda saarnaa oo dhan si nabad ah ay uga soo dageen.”ayuu yiri Afhayeen u hadlay diyaaradda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post