216 Views

Dhallinyaro Soomaali ah oo la sheegay in dowladda Canada ay qorsheyneyso inay dalkeeda ka musaafuriso oo ka hadlay arimahaas.

Dhallinyaro Soomaali ah oo la sheegay in dowladda Canada ay qorsheyneyso inay dalkeeda ka musaafuriso oo ka hadlay arimahaas.
____________________________________________________________________________

Sabti: 19 Nofembar 2022

Dhallinyaro Soomaali ah oo la sheegay in dowladda Canada ay qorsheyneyso inay dalkeeda ka musaafuriso ayaa ka warramay xaaladda ay ku sugan yihiin, kadib markii qaarkood sida la sheegay loo soo diray warqadihii lagu musaafurin lahaa.

 

Lama oga tirada rasmiga ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso.

Wakaaladda xudduudaha Canada waxey sheegtay in dhallinyaradan ay gaarayaan 157 qof, balse dadka u doodaya dhallinyaradan ayaa rumeysan inay gaarayaan boqollaal qof.

Saraakiisha dowladda waxey ku doodayaan in hadda un ay baaritaan kusoo ogaadeen in dhallinyaradan aysan Soomaali aheyn oo ay ka been sheegeen kiisaskii ay isku dhiibeen markii ay magangelyo waydiisanayeen Canada.

Waxaa socda, dadaallo ay wadaan jaaliyadda Soomaalida qaarkood, kuwaasoo wali aanan kasoo bixin wax natiijo ah.

Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Cabdullaahi Muuse oo kamid ah dhallinyarada dowladda Canada ay sheegtay inay musaafurineyso, ugu horreyna waxa uu waydiiyay halka ay wax u marayaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post