2790 Views

Safaaraddii Eritrea ee Addis Ababa oo dib loo furay

Safaaraddii Eritrea ee Addis Ababa oo dib loo furay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 16, 2018 – Xaflad Kooban oo ka dhacday magaalada Addis Ababa ayaa Madaxweynaha Eritrea iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxay dib ugu fureen Safaaradda Eritrea ee Addis Ababa, iyaga oo Wadajir u lulay calanka Eritrea.

Waa arin taariikhi ah tilbaada ay qaadeen labada Hoggaamiye.

Safaaradaha waxa ay astaan u yihiin xiriirka labo dal, marka laga hadlayo labada dal ee dirirta culus ay dhexmartay ee Itoobiya iyo Eritrea, safaaradahooda waxa ay ahaayeen kuwa xiran muddo 20 sano ah.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa booqday halkii ay ku ooli jirtay Safaaradda Eritrea,  Sawirro goobta laga soo qaaday waxa ay ahaayeen kuwa lagu ashqaraaro, wax kasta oo safaaradda yiilayna waxaa fuulay boor aad u badan, gidaarada waxaa qabsaday xuub caaro, mana ka muuqanin wax saan bini’aadam ah oo halkaasi jaan dhigtay tan iyo intii safaaradaas la xiray 20 sano ka hor.

safarada-ariterea-addis-ababa-2 safarada-ariterea-addis-ababa-3 safarada-ariterea-addis-ababa-4

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment